(Muqdisho – September 6, 2022) Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta Booqday xarunta dhismihii hore ee Machadka Isgaarsiinta Qaranka oo ku taalo Degmada Shibis ee Gobolka Benaadir.
Machadka waxaa la aasaasay sanadkii 1976-kii waxaa lagu baranjiray dhammaan Aqoonta Isgaarsiinta iyadoo ay ka faa’iideen dadbadan oo hadda ka shaqeeyo Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo dardargalinaayo fulinta Qorshayaasha Wasaaradda ayaa Sheegay in xiliigaan la joogo waqtigii laga guurilahaa Xarunta dhismihii hore ee Machadka Isgaarsiinta Qaranka….”Shacabka Soomaaliyeed waxa ay baahi u qabaan in ay dib-ulaqabsadaan adduunyada, waxa arintaasi noo fududeenkarto waa soo celinta Xarumihii ay ku shaqeenjireen laguna baranjiray Aqoonta Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada”….ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Qorshaha Wasaaradda oo ay ka midtahay in la banneeyo Dhismaha Machadka Isgaarsiinta si dib-u-dhis loogu sameeyo iyada oo la soo celinaayo howlihii uu qabanjiray Machadka Isgaarsiinta Qaranka.