Shirka Wadatashiga Machadka Isgaarsiinta iyo Tiknooloojiyada Qaranka iyo jaamacadaha Dalka.

Agaasimaha Machadka Isgaarsiinta & Teknooloojiyadda (NTTI) mudane Maxamed Axmed Cabdullaahi “Goosaar” ayaa maanta shir guddoomiyay Kulan wadatashi oo dhexmaray Machadka NTTI iyo Hormuudyada Kuliyadaha Isgarasiinta iyo Teknooloojiyadda Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaarada Isgarsiinta iyo Tiknolojiyada waxaa ka soo qeybgalay Wakiilo ka socdo in ka badan 30 Jaamacadood.

Bilowgii Shirka ayaa Engineer Cabdullaahi Guuleed oo ah madaxa Cyber Securityiga ee Wasaaradda ayaa soo jeediyay Presentation ku saabsan Taariikhda Machadka iyo waxa uu u taaganyahay.

Kadib Agaasime Goosaar oo doodda furay ayaa ka warbixiyay ujeedada kulanka oo ah baahida loo qabo iskaashi iyo wadashaqeyn dhexmarto Machadka NTTI iyo Kuliyadaha Teknooloojiyadda ee Jamacadaha dalka, marka ay timaaddo Baahinta xirafadaha dhijitaalka (Digital Skills) ee Ardayda iyo guud ahaan dalka.

Kasoo qeybgalayaasha matalayay Jaamacadaha ayaa iyagana soo dhaweyay muhiimadda kulanka oo ku soo aadday waqti loo baahanyahay, waxa ayna soo jeediyeen dhankooda Talooyin lagu xaqiijin karo iskaashi mira dhal ah oo dhanka Manhajka, Xirfadaha dhijitaalka, Hal abuurka iyo Cilmi baarista la xiriirta Tiknooloojiyadda.

Gabagabdii kulanka waxaa la isku afgartay in kulanka maanta uu ahaado bilaaw iyo isbarasho albaabka u furto kulamo joogta ah oo mira dhal ah.

+2

See insights and ads

Boost post

All reactions:

34You and 33 others

Share: