(Muqdisho, Abriil 1, 2023)……..Agaasimaha Macahadka Isgaarsiinta & Teknooloojiyada Qaranka Mudane Maxamed Axmed Cabdullaahi Goosaar ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta Jaamacadda Simad, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweyay Guddoomiyaha Jaamacadda Dahir Hassan Arab iyo Mohamed Muse Hassan oo ah madaxa xarunta SIMAD Innovation Lab.
Ujeedada booqashada ayaa daarneyd in Agaasimaha (NTTI) uu bahda SIMAD University uga warbixiyo dadaalada dib u howl galinta MACHADKA (NTTI) oo kamid ah xarumahii danta guud ee ku burburay dagaaladii sokeye, hadana ay Wasaaradda Isgaarsiinta & Tiknooloojiyadda ay waddo dadaalo dib loogu howlgalinaa iyo sida Jaamacadda SIMAD uga biirin laheyd waaya aragnimadeeda dadaalada Wasaaradda ee dib u howl galinta (NTTI).
Agaasimaha ayaa sidoo kale booqday xarunta SIMAD INNOVATION LAB oo ah xarunta dhiiri galinta hal abuurka ee Jaamacadda Simad.
Booqashadan ayaa daba socotay booqasha uu horay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif uu ku taga Jaamacadda Simad.
Ugu danbeyn Agaasime Goosaar ayaa uga mahadnaqay Guddoomiye Jaamacadda SIMAD Daahir Carab, Agaasime Maxamed Muuse soodhaweyntii diiraneyd iyo ballanqaadka wadashaqeynta.